Bayaanka kasoo baxay waraasaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ayaa loogu baaqay shacabka deegaanada Jubbaland in aysan qaadan kaarka aqoonsiga Qaranka, oo ay hirgelisay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, ayaa lagu sheegay in Jubbaland aysan aqoonsaneeyn Kaarka aqoonsiga Qaranka, maadama uusan heysanin sharciyad heshiis lagu yahay, sidaas darteed ay Jubbaland u aragto hindise siyaasadeed aan wax sharci ah ku laheyn dowladnimada.
Sidoo kale waraasadda arrimaha gudaha Jubbaland ayaa kula talisay shacabka ku nool deegaanada Jubbaland inaysn aqaadan waxkasto oo ka hor imaanaya shuruucda iyo nidaamka u degsan Jubbaland.
Ugu dambeyn wasaaradda waxa ay shacabka ugu baaqday in ay dhowraan nidaamka sharciga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland u dejisay.