Kenya Airways ‘’Duulimaadka Muqdisho & Nairobi waa $1050 ’’

|

Nairobi (ONKOD ) Kenya Airways ayaa dib u bilaabeysa duullimaadkeeda Nairobi Muqdisho oo hakadku yimid iyadoo qiimaha uu noqon doono 1050 USD sida warbaahinta kenya ay daabaceen.

Ticket kan ayaa noqonaya kii ugu qaalisanaa taarikhda ee loogu safro  Mogadishu –Nairobi taas oo  noqon doonta  caqabad  kale  oo  soo wajahaysa dadka Soomaaliyeed ee u safraya Kenya.

Dad badan  oo ka falceliyay talaabadan ayaa sheegay in ay tahay  mid  ka baxsaday in ka badan wixii ku tala galka ahaa waxayna sheegeen in Kenya ay ka laabto go’aankan.

Shirkan ayaa in mudda ah hakad galisay duulimeedkeeda , waxaase ka sii horeyay inuu aad u xumaa shanti sanno ee la soo dhaafay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya waxaan uu dib u soo laabtay markii xukunka uu la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

News In English

Fikradaha