Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Baraawe

|

Baraawe (Onkod Radio)— Wararka Onkod uu ka helayo magaalada Baraawe ee Shabeelllaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas goordhaw qarax uu ka dhacay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxan jugtiisa ay aad cuslayd , isla markaana uu ahaa miino dhulka lagu aasay.

In ka badan 7 ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan haween ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay magalada Baraawe ee Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino la hoos geliyay miis yar oo ay leedahay haweeney goobtaasi shaah ku iibisay.
Sidoo kale waxaa la soo werinayaa in hal askari uu geeriyooday midna uu dhaawacmay.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaana goobta yimid oo baaritaan ka bilaabay ciidamada amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

Lasoco wixii faahfaahin ah

Related Articles

News In English

Fikradaha