Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan, ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al-shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta, ayaa sheegay sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Sidoo kale habeen ka hor ayey aheyd markii ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ay weerar sidaan oo kale ay ku qaadeen Al-shabaab, isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna Al-shabaab lagu gaarsiiyey khasaare culus.