KOOBAN : Waddo mashquul badan oo Muqdisho ah ayaa qarax uu ka dhacay

|

Muqdisho (ONKOD ) Sarkaal  ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qarax lagula eegtay isgoyska soobe ee magaalada Muqdisho.

Xiligauu qaraxa dhacayay ayaa waxaa wadada u xirnayd Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku joogay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka oo halkaas ka wada baaritaano

qaraxan ayaa  ku soo beegmay 48 saac ka dib markii weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta liido ee magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa la – daala dhacaysa wax ka qabashada amniga caasimadda

 

Related Articles

News In English

Fikradaha