Kooxda Al-shabaab oo sii deysay Odayaal dhaqameed ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq

|

Sida ay wararka sheegayaan kooxda Al-shabaab ayaa maanta sii deysay 5 Oday dhaqameed oo bishii Feberaayo ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandhere, kuwaasi oo lagu heystay Soomaaliya.

Odayaasha ayaa lagala degay gaari ay saaranayeen xili ay ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq, isla markaana ay marayeen deegaanka Bamba Owla iyo Ires Suki.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaasha ay doonayeen in ay la kulmaan madaxweynaha Kenya William Ruto oo xiligaas safar ku tagayay gobolka waqooyi Bari ee Kenya.

Taliyaha Booliska Koonfurta Mandheera Julius  Njeru, ayaa warbaahinta u sheegay in Odayaasha laga qaaday deegaanka Wargaduud, ayna ku sii jeedeen degmada Ceelwaaq xiliga la weerarayay.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay Odayaasha ay u sii daayeen Al-shabaab, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in arrintan ay dedaal ay samayeen waxgaradka iyo Odayaasha deegaanka ay ku timaaday in Al-shabaab ay dib xorriyadooda nabadoonada u siiyaan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha