Kooxda Al-shabaab oo weerar ku biloowday qaraxyo ku qaaday degmada Masagawaa

|

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo saakay aroornimadii hore ay kooxda Al-shabaab ku qaaday degmada Masagawaa ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, halkaasi oo fariisin ay ku lahayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab, weerar ku biloowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ay ku qaadeen gudaha degmada Masagawaa, waxaana xiga dagaal toos ah oo labada dhinac ku dhexmaray degmada.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xooggan, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dirirto dhexmartay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidanka iskaashanaya ay fashiliyeen weeraro gaadma ah oo kooxda Al-shabaab, ku soo qaaday degmada Masagawaa.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Kuwa Difaaca ee Ku Sugan Magaalada Masagaway Ee Gobolka Galgaduud ayaa Fashiliyey Weerar Gaadma ah oo ay khawaarijtu Soo Qaadeen Waxaana lagu dhuftay Dharbaaxo Kulul” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiinta degmada Masagawaa iyo deegaanada kale ee hoosyimada, taasi oo keneysa in aan si dhab ah aan loo ogeyn khasaaraha dagaalka uu geystay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha