Kooxda ‘AS’ oo Gowrac iyo kufsi ka wada degmada Aadan Yabaal

|

Waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, laga soo warinaya dhacdooyin naxdin leh, tan markii todobaadkii hore ay Al-shabaab ay dagaal ay ku qadeen halkaasi ay kula wareegeen.

Ilo wareedyo kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in sideed qof oo shacab ah oo shan kamid ah Dumar  yihiin, ayaa la tilmaamay in ay Gowraceen Al-shabaab, kaddib markii Dumarka Kufsadeen oo in muddo ah ay heysteen.

Sababta ay Al-shabaab dadka shacabka ee ay dileen u beegsadeen ayaa lagu sheegay in ay la shaqeeyn jireen ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa degmada Aadan Yabaal.

Dadka ay Al-shabaab dileen ayaa ahaa kuwa shaqooyin kala duwan magaalada ku heystay, sida Maqaayado, goobaha Jaadka lagu iibiyo, Geerashyada lagu cilad bixiyo gaadiidka iyo ganacsiyo kale oo muhiim ahaa ciidamada dowladda oo muddo saddex sanno ah ka howlgalayay degmadaasi.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dad kale oo ay weli Al-shabaab heystaan, kuwaasi oo ay u geysanayaan tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Sikastaba, weli Taliska militeriga Soomaaliya kama uu san hadlin khasaaraha dhabta ah ee ciidanka xoogga dalka kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay todobaadkii hore degmada Aadan Yabaal, oo weli lagu weysan yahay saraakiil muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha