Kooxda ‘AS’ oo la sheegay in ay qorsheynayso in weerar ay ku qaado xarunta Xalane

|

Xafiiska Hay’adda dhinaca ammaanka iyo bad-qabka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu soo saaray qoraal digniin ah oo la xiriira in kooxda Al-shabaab ay qorshaynayso weeraro ay ku qaado xarunta Xalane ee ay Muqdisho ka degan yihiin Hay’addaha UN-ka iyo diblomaasiyiinta caalamiga ahi, sidoo kalena ay ku yaalaan safaaradaha dalalka shisheeye.

Qoraalkan oo saacadihii u dambeeyey si weyn ugu faafay barta X, ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab oo isku soo eekaysiinaya ciidamada sirdoonka iyo ammaanka ee Soomaaliya, isla markaana dirayskooda iyo baabuurtooda wata ay weerar qorshaysan la damacsan yihiin goobaha muhiimka ah ee Muqdisho oo ay xarunta Xalane ku jirto.

Dawladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ayaan ilaa hadda ka hadal fariintan digniinta ah been iyo run midka ay tahay, balse waxa ay ku soo beegmaysa xili warbixin dhawaan loo gudbiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay lagu sheegay in Al-shabaab ay halis ku hayso caasimadda Muqdisho.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha