Koror ku yimid tirada dadka ku dhintay GAZ & Israel oo askar badan laga dilay

|

GAZA (ONKOD )  Marinka GAZA waxaa ka sii soconaya duqeymaha diyaaradah Isreal ay ka gaysnayaan , deegaanka dhulka reer Falastiin halkaas oo dad badana ay ku dhimanayaan .

Hay’adaha Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in ay sii kordhaysa dadka ku dhimanaya duqeymaha Isreal ay ka fulinayaan deegaanada Falastiin waxaana isbitaaladu ka go’ay dhamaan adeegyadii loo baahnaa.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha isbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Ugu yaraan 650 bukaan ayaa weli gudaha ku jiray Isbitaalkaas, iyagoo rajo ka qaba in Laanqeyrta Cas ama hay’ad kale oo dhexdhexaad ah ay u daadgureyso xarun kale oo caafimaad.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dhaqaatiirta isbitaal gudaha ah oo dadkaan la geeyay ayaa hadaalkaan baahisay.Shanta nine ee la dilay ayaa la sheegay in da’doodu u dhaxaysay 21 ilaa 29 jir.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa la filayaa khasaaraha kasoo gaaraya ciidamada Isreal sii kordhaan, kooxda Xamaas ayaana ku jirta dagaal xooggan ay isaga caabinayaan duullaanka ciidamada Isreal.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha