Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Maxamed Axmed Amiir, shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa Amniga Caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka ee Isdiiwaangelinta dadweynaha.
Shirka ayaa waxaa warbixin la xariira Amniga iyo habsami u socodka Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha loogu dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyadoona Wasiirka uu ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan shacabka iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hey’adaha amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo wacyigelinta bulshada ee ku aadan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, in xooga la saaro Taakuleynta iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo in loo turo bulshada qeybahooda kala gedisan.