Labo kamid ah raggii ka dambeeyey dilka askartii dowladda ee Ceel-baraf oo gacanta lagu soo dhigay

|

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qaar kamid ah maleeshiyaadkii dilka u geystay askarta xoogga dalka duleedka deegaanka Ceel-baraf, gacanta lagu soo dhigay.

Guddoomiye Maxamuud, ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle, ay ku guuleysteen inay soo qabtaan labo kamid ah maleeshiyadkii dilka geystay, halka ay ku raad jogaan kwwii kale.

“Waxaan soo qabanay labo kamid ah dadkii ka dambeeyey dilka askarta Qaranka, kaddib howlgal aan ka sameynay goob ay ku aruusanayeen, waxaana ku daba jirnaa inta hartay waana lasoo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa, “ ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay in shalay xabsiga loo taxaabay Guddoomiyihii deegaanka Ceel-baraf, iyo Odayaal dhaqan oo ku eedeysan inay ka gaabiyeen xil gudashadoodi looga baahnaa.

Waxa uu intaas ku daray hadalkiisa Guddoomiyaha inuu ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed iyo Beesha ay ka soo jedaan askartii lagu dilay Ceel-baraf, ay ka war sugaan dedaalada ay wadaan dowladda Federaalka iyo maamulka Hir-shabeelle.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha