Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaas ugu sugan, isla markaana Dagaal adag kula jira kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.
“Waxaan idin cadeynayaa in aan mar walbo garabkiina ahay, dowladiina waa ay idin ogtahay waana idin mahad celineyaa, waxaana idin ballan qaadaya in aysan sinaan doonin askariga Baydhaba jooga iyo kan furimaha dagaalka ku sugan” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.
Booqashada Madaxweyne Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.