Lafta Gareen oo kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada

|

Baydhabo (Onkod Radio) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta Muusiibooyinka Dowlad Gobaleedyada, oo shir uga socday Magaalada Baydhabo oo ah caasimadda Gobalka Baay.

Laftagareen ayaa soo dhaweeyay Wasiirradan oo ka kala socday Dowlad Gobaleedyada Puntland Galmudug Hirshabeelle Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo marti galineysay shirka Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Muusiibooyinka.

Shirka kadib Wasiirrada ayaa qoraal ay soo saareen waxaa dowladda Soomaaliya looga dalbaday in ay fasaxdo, lacag gargaar ah, taas oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta oo gaaraysa $9.6 milyan oo dollar, oo loogu talo galay wax kaqabashada abaaraha ka jira dalka.

Baaqa Wasiirrada ayaa ku soo aadaya Xilli ay Soomaaliya ka jirto Abaar aad u daran, taas oo saameysay Dad ka badan 1 milyan oo qof kuwaas oo ka barakacay guryahooda, Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Bani’aadannimada ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyeed iyo deeqbixiyaasha Caalamka, in gargaar lala soo gaaro dadkaan, xilli laga laga cabsi qabo in Abaarta ay isku baddesho macluul.

Abaaraha Soomaaliya ayaa soo noq noqday muddo dhan 2 sanno ayadoo ay jirtay Roob yrai xooggan taasoo keentay inay dhammaadaan dhammaan xoolihii iyo dadkii ayna kasoo barakacaan deegaannadoodii.

Related Articles

News In English

Fikradaha