Laftagareen oo magacaabay 5 wasiir oo cusub

|

Baydhabo (Onkod Radio) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayuu ku magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.

Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir oo badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

                          Wasiirada la magacaabay ayaa kala  ah:

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha