Baydhabo (ONKOD) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee isbedelaysa .
Magaalada waxaa ku sugan xildhinaanada Barlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaas ka dib casuumad uu ka heleen Madaxwaynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen.
Waxa sidoo kale magaalada Baydhabo gaaray Guddoomiyaha Golaha shacabka oo isagana sida fariinta Madaxwaynaha ee ku aadan sidii taageero loogu heli lahaa in Dastuurka wax badan laga bedelo.
Dhawaan Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha Dastuurka
Xasan Sheekh ayaa u arka xilligan Laftagareen inuu ka heli – karo isbahaysi maadama deegaanada maamulkaas ay matalaan xildhibaano badan oo leh cod aqlabiyad leh.
Madaxwaynaha ayaa galangal ugu jira sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa Dastuurka KMG isla markaana laga guuro nidaamka doorasho .