Maalgelinta Hodan Hospital: Su’aalo Ka Dhashay Xiriirka Musuqmaasuqa, Dhulalka Danta Guud, iyo Premier Bank

|

MUQDISHO (Onkod Radio) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daahfuray isbitaal cusub oo loogu magacdaray Hodan Hospital, kaas oo sida la sheegay ay iska leeyihiin qoyska Madaxweynaha iyo Premier Bank.

Isbitaalka oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodan ayuu madaxweynuhu sheegay in lagu maalgeliyay $12 milyan, iyadoo la qorsheynayo in la geliyo $30 milyan oo dheeraad ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimihii hore ee sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey), iyo xubno kale oo aad ugu dhow madaxweynaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu sharaxay qorshaha saddex geesoodka ah ee isbahaysiga ganacsatada iyo dowladda ee shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta lix isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaadka dalka.

Waxaa xafladda joogay Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji iyo Taliyihii hore ee nabadsugidda iyo sirdoonka Mahad Maxamed Salaad.
Waxaa xafladda joogay Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji iyo Taliyihii hore ee nabadsugidda iyo sirdoonka Mahad Maxamed Salaad.

Mulkiilayaasha Hodan Hospital waxaa sidoo kale ka mid ah qoyska reer Fiqi, oo uu ka tirsan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah xulafada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Su’aalaha ka dhashay maalgelinta Hodan Hospital

Maalgelinta Hodan Hospital ayaa dhalisay su’aalo waaweyn oo la xiriira habka lacagaha musuqmaasuqa looga qaato dowladda looguna sii maalgaliyo ganacsiyo gaar loo leeyahay.

Lacagta $12 milyan ee lagu maalgeliyay Hodan Hospital waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay dhaqaalaha si musuq ah looga helay dhulalka danta guud ee la xaraashay waayadan dambe, taasoo noqon karta hab kale oo lacag-dhaqis ah oo lagu xalaaleynaayo hanti laga helay hab aan sharci ahayn.

Premier Bank, oo ay saamiley ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, iyo Taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad, ayaa sidoo kale la siiyay mashaariic dhulal danta guud ah oo dadweynaha taagta daran looga barakiciyay.

Bishii Disembar 2024, Premier Bank waxay shaaciyeen in loo dhiibay dhulkii hore ee shaqaalaha Bangiga Dhexe, kaas oo ay sheegeen inay ka dhisi doonaan hotel casri ah iyo suuq ganacsi, inkastoo dhulkaasi ay ka taagan tahay dacwad ay dadkii lahaa ka gudbiyeen, kuna diidan yihiin in la siiyo Premier Bank.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimihii hore ee sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey), iyo xubno kale oo aad ugu dhow madaxweynaha.
Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimihii hore ee sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey), iyo xubno kale oo aad ugu dhow madaxweynaha.

Dhanka kale, dhulkii hore ee Carwadii Taleex, dhulkii Zone-ka, iyo xaafadda KBB ee degmada Hodan, ayaa dadka deggan cabasho ka keeneen, iyagoo sheegay in ganacsato iyo siyaasiyiin doonayaan inay dhulkooda si xoog ah uga qaataan.

Dibadbaxyo ay dadweynuhu dhigeen ayay si cad ugu sheegeen in lacagaha dhulalka lagu kala iibsado lagu shubo Premier Bank.

By: Mohammed Abdirahman

 

Related Articles

News In English

Fikradaha