Cilmi Cali Cabdi Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay wali sii wadaan ka saaridda Alshabaab ee deegaannada Galmudug ee wali gacanta ugu jira.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamada ay wadaan howlgallo xoog leh oo ay ku doonayaan in dhammaanba gacanta lagu dhigo inta ka dhiman dhulka Galmudug.
Ciidanka Galmudug ayaa kaalmo ka helaya kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaasoo ka caawinaya la dagaallanka Alshabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay in ay gacanta kusoo dhigaan Degmada Ceelbuul oo ah halka ay ugu xoogga badan yihiin xilligaan
Cabdullaahi Cali Cabdulle
Xafiiska Warqabadka Muqdisho