Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee saakay ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Baardheere ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Xasan Sheekh, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada Baardheere.
Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay uu muujinayo sida madaxweyne Xasan Sheekh uga go,an tahay in danaha uu lee yahay uu ka dhaqan galiyo Baardheere
“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah”. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.
Geesta kale Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu doonayo inuu burburiyo nidaamka dowliga ee Jubbaland ee ka jira degmada Baadheere ee gobolka Gedo.
“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada”.
Dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baardheere, ayaa sababay gacan ku heynta degmada, oo ay isku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyn Wararkii ugu dambeeyey ee anu ka heleyno degmada Baardheere, ayaa sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana labada dhinaca ee saakay ku dagaalamay degmada, ay wali is hor-fadhiyaan, lagana cabsi qabo in markale uu dagaal ka dhex qarxo.
Wixii warkan kusoo kordho halkan kala soco.