Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay shirka golaha wadatashiga Qaran ee maanta furmay

|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle, Khaatumo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in maanta uu si rasmi ah u furmay, loogana hadli doono dagaalka Al-shabaab iyo dhameystiraka Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Geba-gabada shirkan ayaa waxaa la filaya inuu kasoo baxo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha