Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed oo wajahaya xil ka xayuubin

|

Mudanayaasha baarlamaanka Kuuriyada Koofureed ayaa Arbacada maanata ah ku baaqay in xil laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay.

Soo saarista sharciga dagaalka ee martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda dalka afraad ee dhaqaalah weyn qaaradda Aasiya.

ilaa 190 mudane oo xarunta baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen mallatariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon.

Waxaa sidoo kale guud ahaan Kuuriyada Koofureed gilgilay bannaanbaxyo waaweyn oo ay dadka ku diideen tallaabada uu qaaday madaxweynaha.

Madaxweyne Yoon Suk Yeol, ayaa khudbad laga baahiyay telafishanka qaranka ku sheegay, in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado, si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaad diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa.Cadaadiskaasi kaddib, ayuu madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ka laabtay go’aankiisa.

Ururada shaqaalaha South Korea ayaa durba maanta ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan shaqo joojin, ilaa uu madaxweyne Yoon iska casilayo.

Dibadbaxyo waaweyn oo taasi lagu dalbanayo ayaa la filayaa in ay billowdaan maanta oo Arbaca ah.

SOURCE VOA

Related Articles

News In English

Fikradaha