Madaxweynaha Soomaaliya oo safar deg deg ah ku gaaray dalka Sucuudiga.

|

Onkodradio.so – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay, sida lagu qoray mareegta Jowhar.com

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha kaas oo looga hadli doono iskaashiga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirka kadib uu kulan gaar ah la qaato madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ka qeyb galayo shirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carbeed.

Socdaalka madaxweyne Xasan ee dalkaasi Sucuudiga uu ku gaaray ayaa noqonaya kii 19aad ee dalka uga boxo, isla bishan waxaa la filayaa inuu u duulo Mareykanka oo uu uga qeyb galayo shirka Mareykanka iyo Afrika oo bartamaha bishan loo madlan yahay.

Related Articles

News In English

Fikradaha