Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarka Al-shabaab ka geeysteen Hoteelka Qaahira ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka tacsiyadeeynayo xasuuqii ay kooxda Al-shabaab u geysteen nabadoonnada dhaqanka, iyo dadkii kale ra’yidka ahaa ee saakay ku laayeen Hoteel Qaahira ee galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.
Geesta kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa sheegay in Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka, uu naafeeyay damaca argagaxisada Shabaab ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga dowlad goboleedka Hir-shabeelle sida ay u toogteen xubnihii katirsan Al-shabaab ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.