Madaxweyne Laftagreen oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Ammniga Koonfur Galbeed

|

Baydhabo (Onkod Radio) — Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isagu yimaadeen Saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kale duwan, saraakil kamid ah taliska ATMIS yo Saraakiil ka socday Dowladda Ingiriiska.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee ciidanka ka howlgala Koonfur Galbeed, wadaagidda xogaha ku aadan dagaalamayaasha Al-shabaab iyo xoojinta howlgallada ka dhanka ah ee ka socda deegaanno ka tirsan maamulkaas.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ciidanka qeybihiisa kale duwan ay howlagallo isdaba jooga ay ka wadaan magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka, waxaa xusid mudan in dhowaan madaxweyne Laftagareen uu heshiis dhanka amniga ah uu la galay maamulka dowlad deegaanka.

Related Articles

News In English

Fikradaha