Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay, farriina u direy shacabka

|

Muqdisho (OnkodRadio) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga ayaa galankii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, isaga oo xasuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah.

Waxa uu sheegay in qoysaska tabaaleysan ay mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed ee walaalaha yihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, wuxuuna ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

Si kastaba, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada.

Intii uu joogay dalkaas ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u kuur galay xaaladda ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

Related Articles

News In English

Fikradaha