Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.
Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada.
Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Dowladda Qatar, ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda federaalka kana caawinaya mashaaricda horumarineed ee dalka
Geesta kale kulankan xalay uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa ku soo aadaya xili shalay xukuumadda Imaaraatka Carabta, ay shir caalami ah ku casuuntay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyada oo siiyay maqaamka dal madax-banaan, taasi oo la sheegay in ay xad gudub ku tahay qaranimada iyo madaxbaanida Soomaaliya.