Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in 56 kaddib dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod

|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 81-aad ee aas-aaska ciidanka booliska soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan sida ay ugu taagan yihiin u adeegida dalkooda iyo dadkooda, kuna soo shaqeeyay xaalado adag, hadana ay u taagan yihiin inay sii wadaan shaqada ay u ahayeen bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan in 56 kaddib dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, isla markaana waxa uu sheegay in ciidanka booliska looga baahan yahay inay isku diyaariyaan nabad galyada muwaadiniinta codbixiyaasha ee doorashada ka qeyb qaadanaya sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

“Ma jiro qabiil ka xoog badan qabiil kale, shalay haddii aan qoryaha ku kala adkeynay maanta kaddib cod ayaa lagu kala adkaanayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inaysan jirin meel loo noqonayo dalkana uu lee yahay dowlad, waxa uu intaas ku daray in aan la ogalaan doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado, taasina ay tahay arrimo halis ku ah dowladnimada Soomaaliya.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha