Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir looga hadlayo xaaladda Jamhuuriyada Kongo uga qeyb galaya Tanzania

|

Sida wararka aya sheegayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa magaalada Daaruslaam ee dalka Tanzaaniya, uga qeyb galaya shir looga hadlayo xaalada Jamhuuriyadda Kongo.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doona madaxa dalalka Kenya, Rwanda, Koonfur Afrika, Yagaandha iyo dalka marti gelinaya ee Tanzaaniya.

Xiisada ka taagan Jamhuuriyada Kongo iyo Rwanda, ayaa la sheegay inay salka ku heyso kaddib markii Xukuumadda Kigali, lagu eedeeyay inay taageerto kooxda fallaagada ee M23 oo todobaadkii lasoo dhaafay qabsaday magaalada weyn ee Goma.

Sidoo kale madaxda Jamhuuriyada Kongo, ayaa dhowaan waxa ay dacwad ka gudbiyeen dowladda Rwanda, iyaga oo ku eedeeyay inay  taageereyso kooxaha fallaagada ee M23.

Dhammaan madaxdan ka qeyb galeysa shirkan ayaa waxa ay kulankooda diirada ku saari doonaan dedaalada lagu xalinayo xiisadan taagan iyada sii dhinacyada is haya ay miiska wadahadalka ugu dhameyn lahayeen waxyaabaha ay isku hayaan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha