Mahad Salaad ma isagaa , iska tagi raba mise cadaadis baa jira ?

|

Muqdisho (ONKOD) Waxaa aad u soo kordhahaya warka ku saabsan in  bilowga cusub ee sanadka 2023  uu meesha ka bixi doono Taliyaha Nabad sugida Mahad Maxamed Salaad oo xulufo la ah kooxda Daljir ee la bahoobay Damjadiid.

Ilo xog – ogol ah ayaa Raxanreeb u sheegay in suurtagal ay tahay in markan daaqada uu ka bixi doono Taliye Mahad Salaad ka dib culays ka soo wajahay Villa Soomaaliya.

Waxa  soo  baxaya  dhaliilo   ku saabsan sida hadda u shaqeeyo  Taliska NISA iyo sida loo wajahay ammniga caasimadda oo marka dhan kale la eego aad moodo in wax badan aan laga qaban.

Warbaahinta magaalada Muqdisho oo inta badan kharash lagu siiyo buun- buuninta howlaha NISA ayaa ka aamustay ka hadalka dhacdooyinka joogta ah ee ka dhacaya hareeraha.

In muddo ah waxaa aad loo hadal hayay in Mahad Salaad lacag badan uu ku bixinayay sidii loogu buunbuunin lahaa dhacdooyin aan wali ka dhicin magaalada Muqdisho taas oo keentay in la soo bandhigo wax badan aan muuqan.

Sida xogaha ay sheegayaan Mahad Salaad oo hadda ah Taliyaha NISA ayaa is qabteen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aan hadda isku fiicnayn kooxda Daljir ee damjadiid la midoobay.

Taliyaha  Nabad Mahad Salaad iyo xubno kale ayaa si aad ah loo sheegayaa in ay mid noqon doonaan xubno ka bixi doona xayn daabka Daljir  , maadama in muddo ah ay jirtay kala shaki labada dhinac  ah.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha