Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Militariga Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd shaaciyey in saddex weerar oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen afar ka mid ah dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqeymahaasi ay Talaadadii lasoo dhaafay ka dhaceen magaalada Beledweyne oo 350 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay soo weerareen ciidanka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in warbixinnada horudhaca ah ay muujinayaan in aysan jirin dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgalkan.

Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ah hoggaaminaysay kacdoon ka dhan ah dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana maleeshiyada kooxdan sannadkii 2011-kii magaalada Muqdisho ka saaray ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika.

Bishii May, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, si ay uga caawiyaan maamullada maxalliga ah inay la dagaalamaan Al-Shabaab, taasoo meesha ka saartay go’aankii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump ee ahaa in inta badan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

AFP + VOA

Related Articles

News In English

Fikradaha