Mareykanka oo Isra’il u ogolaaday in Visa la’aan tagi karaan Mareykanka

|

New York (ONKOD) – Maraykanka ayaa markii ugu horraysay shaaciyey inuu u ogolaanayo Israa’iil inay qayb ka noqoto dalalka ay muwaadiniintoodu sida VISA la’aanta ah ku iman karaan Maraykanka waxaana tallaabadani ay u sahlaysaa in dadka haysta dhalashada Israa’iil ay dalka Maraykanka iman karaan, iyaga oo aan dalban wax dal-ku-gal ah, joogina karaan illaa 90 maalmood.

Sidoo kale, ogolaanshahan ayaa dhaqan-gelaya bisha November 30-keeda, waxaana tallabadan lagu macneeyey inay tahay mid kor u qaadaysa xidhiidhka Maraykanka iyo Israa’iil, inkasta oo waayadan u dambaysay uu Maraykanku si weyn uga soo horjeeday, dib u habaynta garsoorka ee Israa’iil iyo siyaasadaha dalkaas ee ku aaddan Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, dalalka uu Maraykanku u ogolaado inay muwaadiniintoodu VISA la’aan ku yimaadaan Maraykanka, ayaa marka hore ay tahay inay buuxiyaan shuruudo kala duwan oo la xidhiidha, dhinaca la dagaalanka argagixisada, heerka laamihiisa amniga, socdaalka, heerka ammaanka waraaqihiisa oo ay ku jiraan baasabooradu, iyo hannaanka maamulka ee xuduudihiisa.

Dalalka ka faa’iidaysanaya fursaddan ayay tahay inay si siman ula dhaqmaan muwaadiniina Maraykanka, iyada oo aan loo eegayn jinsiyadaha kale ee ay haystaan.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in muwaadiniinta Maraykanka ee haysta baasaboorka Falastiin, in loo ogolaan doono inay si nabad ah uga gudbaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Tallaabada uu Maraykanku ugu ogolaaday Israa’iil inay VISA la’aan ku yimaadaan Maraykanka ayaa dhaleecayn xooggan la kulantay oo ku aaddan, in Israa’iil aanay si siman ula dhaqmin muwaadiniinta Maraykanka, iyaga oo u cago-jugleeya muwaadiniinta Maraykanka ee ka soo jeeda dalalka Carabta, xilliyada ay ku sugan yihiin xuduudaha Israa’iil.

Related Articles

News In English

Fikradaha