Mareykanka oo laga doonayo magdhowga rayid ay ku dileen Soomaaliya

|

NewYork (ONKOD) Diyaaradaha cirka ee Mareykanka ayaa meelo badan oo dalka ah waxa ay ka fuliyeen , kana fulinayaan weeraro ujeedkoodu uu yahay sidii loogu taqlusi lahaa saraakiisha Al- Shabaab.

Weeraradan ayaa inta badan waxay waxyeelo  ay ka soo gaaraan , dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay ka dhacaan duqeymaha ama  kuwo mararka qaar waxaa la duqeeyaa meelo aan  kooxdu joogin.

Waxaa soo baxaya hadda in weeraro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareynkanka ay waxyeelo ba’an ay ka soo gaartay dad rayid ah kuwaas oo aan eheladooda helin wax mag dhaw ah .

20 kamid ah hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka, in ay qaado tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo codsiyada qoysaska eheladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha  Maraykanka uu ka geysto  Soomaaliya.

Hay’adahan ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Airwars, koox kormeerayaal ah oo fadhigeedu yahay UK, boqolaal Soomaali ah – oo ay ku jiraan qaar rayid ah – ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka sanadkan oo kaliya iyadoo maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero La-dagaalanka Argagaxisada.

Related Articles

News In English

Fikradaha