Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Hoggaamiye sare oo katirsan AS

|

Washington (ONKOD)  Dowladda Mareykanka ayaa mar kale lacag malaayiin dollar ah dul dhigtay madaxa hoggaamiye katirsan kooxda Al Shabaab, kaa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir,

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta macluumaad ku hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cikrama waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Haddii aad hayso xog ku saabsan ninkan, noogu soo gudbi mid ka mid ah nambarada hoose ku qoran adigo isticmaalaya Signalka, Telegramka, WhatsAppka, ama khadka Tor. Waxaad ku guuleysan kartaa abaalmarin”.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in ninkan uu qorsheeyay weeraro dhowr ah, sidoo kalena uu qoray dhalinyaro Kenyaan oo ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha