Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay khataro ku soo wajahan Addis Ababa

|

Dawladda Maraykanka, ayaa digniin la xiriirta dhinaca ammaanka u dirtay muwaadiniinteeda ku nool magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Qoraalkan digniinta ah oo lagu faafiyey website-ka Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa, ayaa lagu sheegay in khatar amni-darro ay markasta iyo xili walba ka dhici karto gudaba magaalada Addis Ababa, khatarahaasi oo ay ka mid yihiin kuwo amni-darro, mudaharaadyo, shilal iyo falal kale oo halis ku keeni kara muwaadiniinta Maraykanka ee jooga Addis Ababa.

Waxayna safaaraddu ay muwaadiniinteeda Maraykanka fartay inay mar walba muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan meelaha ay rabshaduhu ka dhici karaan ee gudaha Addis Ababa.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha