Mareykanka oo qirtay inay duqeyn ku dileen dad Shacab ah

|

USA (Onkod Radio) — Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu ka sameeyo Mareykanka howlgallo millatari.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu ka sameeyo Mareykanka howlgallo millatari. aaday in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu ka fuliyay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ujeedkooda uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

Warbixinta qiraalka ah ayaa waxaa lagu xusay in duqeyntaasi ay dhacday kowdii Janaayo ee sannadkan 2022-ka, balse ma sheegin Mareykanka inuu magdhow ka bixiyay arrintaasi.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale millatariga Mareykanka ayaa weeraro ka dhacay dalka Afghanistan sannadkii 2021-kii ku dilay illaa 12 qof oo rayid ahaa, sidoo kalena ku dhaawacay 5 kale.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhowaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay in kabadan 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongaraysku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyada oo qeyb ka ah mid kamid ah Siraha” ayaa lagu yiri.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu guda jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale Pentagon-ka ayaa dib u qiimeyn ku sammeeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo billaabo 2018 illaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Bishii Jannaayo 2022-ka, Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku boorriyay millatariga in ay sameeyaan isbaddel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kaddib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...