Masuul ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo Kooxo hubeysan ay xalay ku dileen magaalada Laascaanood.

|

kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi iyagoona goobta ka baxsaday markii dilka fuliyeen kadib.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo ah Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI ayaa xaqiijiyay dilka ninkaasi, waxana uu laamaha amniga faray iney soo qabtaan danbiilayaashii dilka geystay, si cadaalada loo marsiiyo

“Musharrax Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehelada, waxgaradka iyo  bulshada Gobolka Sool ee uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi.

Dhawaanahaanba waxaa faraha ka sii baxayay amniga magaalada Laascaanood , taasoo ay ku soo badanayeenm falalka liddiga ku ah amniga magaalada.

 

Cabdullaahi Cali Cabdulle 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

Related Articles

News In English

Fikradaha