Maxaa ka socda maanta magaalada Garoowe oo rabashado ay ka dhaceen ?

|

Garoowe (ONKOD) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisad ka dhalatay YouTuber lagu magacaabo Kabtan Ayuub oo  lagu soo dhawaynayay magaalada.

Laamaha amniga magaalada Garoowe ayaa sheegay  in amniga caasimadda hadda uu wanaagsan  yahay isla markaana la dhameeyay xiisada ka bilaabatay  Kabtan Ayuub oo maalmahan ku sugnaa deegaano ka mid ah  Puntland.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhacdadaas ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay yihiin xilal doon hase yeeshee mucaaradku way iska fogeeyeen in arrintaa ay ku lug lahaayeen.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa gaashaanka u daruuray eedeynta guddoomiyaha ee ah in dhacadada ay ka dambeeyeen niman xilal doon ah.

Inta la ogyahay dhacdadaas waxaa ku  geeriyooday hal Qof oo dumar ah tiro kalena waa ay ku dhawaacmeen.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ay mucaaradka u diidan yihiin in ninkan Garowe loogu soo dhaweeyo ay tahay inuu horay muucaaradka baraha bulshada wax u sheegay.

Kabtan Ayuub oo caan ka ah baraha bulshada ee Soomaalida ayaa lagu soo dhaweenayey maanta caasimada Puntland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha