Maxaa ka soo baxay kulan Muqdisho Firdhiye kula yeeshay madaxda DFS ?

|

Muqdisho (ONKOD) Magaalada Muqdisho waxa kulan  ku yeeshay hoggaamiyaah maamulka SSC-Khaatumo oo  markii ugu horeysay soo gaaray caasimada tan iyo markii loo dhiibay hoggaanka maamulkaas.

Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa xubnihii uu kula  kulmay magaalada Muqdisho kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha maamulkaas iyo sidii  Dowladda ay uga heli lahaayeen taageerada ay u baahan yihiin.

Madaxda uu ilaa iyo hadda uu la kulmay Hoggaamiyaha Khaatumo waxaa ka mid ah , Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, iyo masuuliyiin kale.

Hoggaamiye Cabqdiqaadir ayaa ugu mahadceliyay masuuliyinta dawladda ee booqashada ugu yimi, isagoo ku boggaadiyey soo dhawayntii diirranayd ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka caasimadda Muqdisho ku maamuseen waftiga uu hoggaaminayay.

Dagaal dheer ka dib oo Laascanood ku dhaxmaray ciidanka SSC – Khaatmumo iyo kuwa Somaliland ayaa ugu danbeyn keentay  in dadka deegaankaas iyo siyaasiintooda ay dhisaan maamul madax banaan oo aayahooda iyaga ay leeyihiin.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay hoggaamiyaha maamulka SSC, waxaana la filayaa in Xamse iyo Firdhiye ay kulan gaar ah ku yeeshaan xafiiska Ra’isl Wasaaraha.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha