Maxaa looga hadlay kulankii golaha wasiirrada ee xalay ka dhacay Muqdisho ?

|

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay  yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda halka ay wax marayaan.

Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa su’aallo ka weydiiyey, guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Cutubyada 5-aad iyo 9-aad ayey maalmihii lasoo dhaafay waxa ay labada guddigi wadeen wadatashiyo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga doonayaan,isla markaana ay aragtidooda uga dhiibtaan labada qodob.

Dhinaca kale marka uu soo dhammaado wadatashiga iyo ra’yi uruurinta labada qodob, ayaa guddiga waxa ay  horgeeni doonaan Baarlamaanka Soomaaliya oo marsiinaya akhris dhowr ah ayaga oo u qaadi doona codeyn ku aadan shaqada laga qabtay labada cutub.

Related Articles

News In English

Fikradaha