Wasiirka Maaliyadda Soomaalia Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.
Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Abdirahman Mohamed Abdullahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Abdullahi Mohamed Shiekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumatinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.
Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadeed sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageeradeeda taariikhiga ah ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya, waxaa kale oo uu balan qaaday in ay xoojinayaaan xiriirka wadashaqeyneed ee ay Dowladda Kuwait la leedahay Dowladda Soomaaliya si loo kobciyo dhaqaalaha iyo qorshe yaasha maalgalineed ee u dagsan Dowladda Soomaaliya.