Maxey kawada hadleyn wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Soomaaliya iyo Tukriga ?

|

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Turkiga Yaşar Güler ayaa kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa wada hadalada xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta tababarada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray wada shaqeyn qoto dheer iyo iskaashi adag oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka fog.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Mamaxed Nuur, waxa uu kaga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dagaalka aan kula jiro kooxaha Daacish iyo Al-shabaab,  kaasoo muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha