Maxey tahay Abaal-marinta uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh ?

|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Geesta kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

 

Related Articles

News In English

Fikradaha