Maxey tahay casuumada uu u fidiyay madaxweynaha Ruushka, madaxweyne Xasan Sheekh ?

|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ahna Ergeyga madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo geeska Afrika Mikhail Bagdonov.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo labada dhinac kawada hadleyn sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireenka ah  labada dal.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, ayaa madaxweynaha u gudbiyay casuumaad rasmi ah oo uga timid madaxweynaha Ruusha Putin, taasi oo ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Ururka Jaamacadda Carabta iyo madaxda Ruushka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii ay u xoojin laheyd xiriirka kala dhaxeeya dalka Ruushka, sida dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta danaha labada dowladood.

Related Articles

News In English

Fikradaha