Maxey tahay ujeeda uu wasiirka amniga gudaha ee XFS u tagay dalka Turkiga ?

|

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ee Ankara ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan dalka Turkiga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa  la sheegay inuu martiqaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa waddankaas Ali Yerlikaya.

Booqashada Wasiirka Amniga Soomaaliya uu ku tegay wadanka Turkiga ayaa qaadan doonta muddo laba maalin ah.

Waxa uuna kulamo lagu  xoojino iskaashiga dhinacyada amniga, tababarada iyo wadashaqeynta labada dal,la qaadan doonaa wasiirka amniga gudaha dalka Turkiga Ali Yerlikaya.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha