Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Dil Ku Riday Xubno Ka Tirsan AS

|

Muqdisho (ONKOD )Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo  Aadan Mursal MaxamedMacalin (Iidow), kuwaas oo dhowaan kasoo muuqday Maxkamadda, iyaga oo loo heysto ka tirsanaanta Al-shabaab iyo dilal ay geysteen.

Labadaan eedeeyasane ayaa Xeer ilaalintu shheegtay in loo heystay dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda ee gobolka Mudug , kuwaas oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yarow Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda Darajada Koowaad ugu xukuntay ayaa raggaan hore Dil May 22-keedii Sanadkan,  waxaana dadkii gacantooda ku baxay kamid ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi  Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamacad Maxamed, kuwaas oo la dilay waqtiyo kale duwan, qaarkood ayaa la dilay xilli ay kasoo baxeen Masjidka, sida xeer ilaalintu soo bandhigtay.

Maxkamdda koowaad ee darajada ciidamada qalaka sida ayaa dhowr jeer xukunno kale duwan waxaa ay ku riday shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, sidoo kale dilal geystay, waxaana la filayaa raggaan  in lagu fuliyo xukun Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii lagu dilay Gaalkacyo.

Related Articles

News In English

Fikradaha