Maxkamadda gobolka Banaadir oo lasoo taagay rag loo heysto ganacsiga dadka nool

|

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddoba qof oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka nool oo qaarkood badda lagu waayey.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha ka soo qabtay goobo kala duwan, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu helay xogta shabakadda maanta lagu bilaabay maxkamadeynta.

Raggaan ayaa si gaar ah ugu eedeysan in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya, kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ay badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkooda Hooyo dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacdadaas, intaas kadibna waxaa bilowday howlgal lagu soo qabqabtay ragga maanta la maxkamadeynayo.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha