MD Deni laba daran mid dooro: Dhabbaha Mustaqbalka Puntland

|

Georgia (ONKOD) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taariikhdu markey ahayd 13-October-2023 la hadlay shacabka Puntland labo maalmood kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka kaga maqnaa in ka badan 55 maalmood. Madaxweyne Deni ayaa ujeedka uu khudbadaasi ka lahaa waxa ay ahayd in uu adkeeyo taageerada xertiisa oo shaki ka qabay jihaynta Puntland. Taageerayaashiisa ayaa markhaanti ka ahaa qabsoomida shirweynaha ay qabteen kooxaha mucaaradka isla maalintii uu madaxweynuhu dib ugu soo noqdey Garoowe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalka uga maqnaa sababo aan shacabka lala wadaagin, taas oo welwel gelisey.

Tabashada Mucaaradka

Waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku saabsanaa qaabka ay u dhaceyso doorashada goloyaasha deegaanka qaarkood taas oo keentey in magaalooyinka Boosaaso iyo Waaciye lagu doortay labo maayar oo kala duwan. Magaalooyink kale ayaa diiday in doorasho la qabto, markii ay caddaatay in aan lagu soo xulin tirada codadka ee uu xisbi walba helay, balse lagu saleeyay rabitaanka guddoomiyaasha xibiyada. Labo bilood oo kaliya ayaa ka harsan muddo xileedkii goloyaasha dowliga ah ee Puntland, wali doorashada kama aysan dhicin saddex degmo oo ka tirsan Nugaal. Mucaaradku waxay ku adkaysteen in Madaxweyne Deni uu damacsan yahay inuu xukunka kororsado iyagoo ku andacoonaya in guddiga doorashada Puntland uu u baahan yahay waqti dheeri ah, baarlamaankuna uu ansixin doono muddo kordhinta. Qaar badan oo kamid ah taageerayaasha Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan taageeri doonin hadii uu isku dayo in uu xukunka u kordhisto.

Madaxweyne Deni waxa uu ogaa in uu ku jiro xaalad adag, balse waxa uu ku qasbanaaday in uu wakhti uu gato si uu u qaboojiyo xawliga ay ku socdan kooxda mucaaradka. Arintan ayaa madaxweynaha ku qasabtay in uu qariyo waxa uu damacsan yahay, waxa uuna ku adkeystay in uu wali qorshaha doorasho k dhacda wakhtigeedi, waxa uuna gaba gabadii hadalkiisa ku daray in uu mar walba ku dhaqmi doono shuruucda dalka, uuna ixtiraami doono qorshaha komishanka. Tani waxay ka dhigan tahay in ujeedadiisa iyo waxa PEC ay go’aamin doonaan ay ka duwanaan karaan. Gebagebadii khudbadda, taageerayaashiisa waxayna sii wadaan taageerada ay u hayaan madaxweynaha, inkastoo ay shaki galiyeen in doorashadu ku dhici karto sidii uu madaxweynuhu u qorsheeyay.

Mid ay reer Puntland oo dhami isku raacsan yihiin ayaa ah in doorasho dhacdo in la helo is-afgarad ay dhammaan dhinacyada ay khusayso ku heshiiyaan iyo in si siman loo wada hadlo oo musharrax kastaa dareemo in uu fursad u helayo in uu ku guulaysto, si la mid ah sida uu madaxweynaha laftiisuba sameeyo. Doorashada uu doonaayo Madaxweyne Deni, ma noqon doonto doorasho ay dhammaan musharixiinta kale ka qaybgeli karaan, sababtoo xubnaha guddiga doorashada Puntland ayaa ka kala socda xisbiga Kaah (8) iyo ururada oo kale oo iska le afar (4).

Madaxweyne Deni ayaa ku booriyay dadka doonaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha in ay ku biiraan xisbiyo kale oo uu ka mid yahay xisbigiisa Kaah. Waa kuma qofka damac kaga jiro inuu ka qaybqaato doorasho la saadaalinayo in Madaxweyne Deni uu ku guulaysan karo 90%, ma aha inuu haysto taageerada shacabka ee wuxuu u dejiyay nidaamkan si aanay musharaxiinta kale u helin wax fursad ah?

Kala doorasho masiiri ah

Waxaa jira laba arrimood oo uu Madaxweyne Deni wax ka qaban karo labada bilood ee soo socda, kuwaas oo labaduba horseedi doona masiibo. Madaxweyne Deni ayaa sugi kara inta uu furmayo kalfadhiga baarlamaanka ee bishan Oktoobar, markaas oo guddiga PEC uu horgeyn doono qorshahooda ku aaddan muddo kordhinta baarlamaanka, kadibna ay ansixiyaan. Haddii uu Madaxweynuhu muddo kororsi sameeyo oo kooxda mucaaradka ah aysan qayb ka ahayn dooda masiirka Puntland, taasoo lid ku ah dastuurka, reer Puntland ma aqoonsanayaan muddo kororsiga, waxayna taasi ku dhammaanaysaa muddada madaxweynaha. Taas beddelkeeda, Madaxweynuhu wuxuu ku socon karaa hadalka ah inuu doorashada ku qaban doono waqtigii loogu talagalay, taasoo la micno ah in musharrixiinta ay noqon doonaan oo keliya madaxweynaha iyo ragga la socda oo ku tartamaya xilka madaxweynaha. Sharci ahaanshiyaha doorashadaas ayaan iyadana la aqbali doonin.

In horey looga socdo halka la joogo

Xalku waa toosan yahay. Puntland waxa ay jirtay in ka badan 25 sano, sababta kaliya ee ay mudadaas u dheeraatayna waa in doorashadeeda ay ahayd mid hufan. Shuruucda doorashadu waxay ahayd mid ay dhammaan musharixiintu ku heshiiyeen oo ay aqbaleen, iyagoo og inay guulaysan karaan. Madaxweyne kastaa waxa uu doonayey in uu xilka sii hayo, laakiin marka ay wakhtigeeda la gaaro waxa uu qaban jirey doorasho lagu wada qanci karo.

Ma jirto cid u dooda in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada ay noqdaan habka kaliya ee doorashada. Dadku waxay rabaan inay ku hormaraan dimuqraadiyaynta, laakiin dimuquraadiyaddu maaha mid aan tanaasul lahayn, mana aha in lagu saleeyo dariiqa madaxweynaha ama jidka iska celi. Dimuqraadiyaynta waa in ay ahaataa mid daah-furan, iyadoo la sii ogaanayo talaabooyinka la qaadayo, waana in aan dastuurka la bedelin si ay u fiican madaxweynaha iyo xisbigiisa doorashada ka dib. Waxaa cad in Madaxweyne Deni uu ku guul dareystay in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah 8-da Janaayo 2024, inkastoo uu damacsan yahay.

Waxaa la joogaa waqtigii Madaxweyne Deni uu miiska wada hadalka soo fariisan lahaa, isla markaana lagu heshiin lahaa doorasho ay dhammaan musharixiinta kale fursad isku mid ah heli karaan, iyadoo lagu saleynayo Dastuurka iyo hab-dhaqanka ugu wanaagsan ee ay Puntland horay u soo adeegsatay. Madaxweynuhu waa in aanu doorashada soo socota ka dhigin doorashada kaliya ee u dhaxaysa Madaxweyne Deni iyo koox isagu wato. Ilaa iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ma jiro madaxweyne awood u leh inuu siduu doono yeelo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa Madaxweynihii ugu dambeeyay ee isku dayay inuu xukunka ku kororsado isagoo aan u tanaasulin musharaxiinta mucaaradka ah, balse ugu dambeyntii waa uu miyirsaday, wuxuuna qabtay doorasho ay ka qeyb galeen dhammaan musharixiinta mucaaradka, taasoo ka badbaadisay Soomaaliya inay mar kale burburto. Madaxweyne Deni wuxuu u baahan yahay inuu hadda xaaladda wax ka qabto.

By; Maxamed Cabdiqafaar Xaaji Xuseen
Email: mohabdhus@gmail.com
Atlanta, Georgia.

Related Articles

News In English

Fikradaha