Mid kamid ah ilaalada gaarka ah ee guddoomiye Cumar Finish oo la dilay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Finish.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa durtaba gaaray goobta uu ka dhacay dilka, ayada oo halkaas ka bilaabay baaritaano la xiriira dilka iyo sida uu u dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka Askariga la dilay la geeyay xarunta CID-da.

Ma aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dilo Askari kale oo uu muran soo kala dhex-galay, waana dhacdo in badan soo noq-noqotay oo marar badana looga digay ciidamada.

Related Articles

News In English

Fikradaha