Mukhtaar Nuur, oo ah Garyaqaan ayaa ka hadlay Ciqaabta ay mudan karaan xildhibaannadii fowdada ka sameeyay Baarlamaanka

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah sharci yaqaan ayaa ka hadlay dhacdadii baaarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan buuqii ka dhashay kulankii u dambeeyey ee lagu ansixinayey golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Goobjoog ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhacay baarlamaanka ay ahaayeen fal-dambiyeed ay aheyd in horey loo dhaqaajiyo.

Garyaqaanka ayaa xusay in xittaa aysan u baahneyn arrintaas xasaanad ka qaadis, balse ay aheyd in tallaabo adag laga qaado xildhibaannadii buuqa sameeyey.

“Waxa meesha ka dhacay waxay aheyd fal dambi, waxay aheyd in la dhaqaajiyo oo horey loo sii guda-galo, uma baahna xittaa xasaanad ka qaadis” ayuu yiri Mukhtaar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintooda laba si loo wijihi karo, mida koowaad in lagu qaado xeer hoosaadka Golaha Shacabka, ama waxa uu ka qabo sharciga u yaalla dalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in muhiim ay tahy in mar weliba la ilaaliyo sarreynta qanuunka dalka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay falkii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa xarunta ra’iisul wasaaraha cusub, Xamza Cabdi Barre.

Related Articles

News In English

Fikradaha