MUQDISHO : Askar ku geeriyootay kuwo kalena ku dhintay qaraxa lala eegtay

|

Muqdisho (ONKOD ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda

Ciidanka qaraxa lala eegtay ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa mina barista kuwaas oo inta badan   howlgalo ka fuliya degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Khasaare isugu  jira dhimasho iyo dhaawac ayay   goobjoogayaashu sheegayaan inuu gaystay qaraxan maanta   ciidanka lagula eegtay degmada  Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay, qaraxaan halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Maydadka askarta ku geeriyootay weerarkan ayaa la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee C.I.D, halka kuwa dhaawacyada ah la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha